Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qorshe xukunka looga tuurayo Raisul Wasaare Imran Khan oo bilowday

Isbaheysi mucaarad ah oo kasoo horjeeda dowladda Pakistan ayaa taageerayaashooda ku booriyey inay ku biiraan dibad-bax ballaaran oo lagu tegayo caasimada Islamabad bilaha soo socda si loo dalbado inuu xukunka ka dego ra’iisul wasaare Imran Khan.

Isbaheysiga oo ka kooban 11 xisbi, lana baxay Dhaq-dhaqaaqa Dimoqraadiyadda Pakistan (PDM) ayaa sheegay in Khan ay xukunka ku keeneen militariga doorasho lagu shubtay oo dhacday 2018-kii.

Isbaheysiga ayaa waday dibad-baxyo ballaaran tan iyo markii loo aas-aasay bishii September inay xukunka ka tuuraan Khan, islamarkaana ay joojiyaan faro-gelinta militariga ee siyaasadda.

“Waqtigii wada-hadalka wuu dhammaaday. Waxaa hadda jiri doona dibadbax,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha mucaaradka Bilawal Bhutto Zardari, oo ah wiilka ra’iisul wasaarihii la dilay ee dalkaas Benazir Bhutto.

Khan, oo sheegay in ololaha dibad-baxyada looga gol leeyahay in lagu qasbo inuu laalo dacwado musuq-maasuq oo ka dhan ah hogaamiyayaasha mucaaradka, ayaa cambaareeyey dibad-baxyada oo kusoo beegmay xilli uu jiro cudurka COVID-19 oo faro kulul ku haya dalal ka tirsan caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul katirsan Shirkadda Amal Bank oo saakay la afduubtay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la jimceystay shacabka Magaalada Carta ee dalka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Kinshaasa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---