Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo caawa xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo maanta oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo ka hadlay Heshiis ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Cabdi Cade

Farmaajo & Geelle oo wadajir xariga uga jaray safaarada Jabuuti ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Aadan Madoobe & James Swan?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---