(Sawirro) Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxda Dowlad Gobolleedka Galmudug masuuliyiin iyo dadweyne kale.

Safarkan uu ku yimid Ra’iisul Wasaare Rooble magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayay Dowlad Gobolleedyada oo diirradda lagu saarayay wadashaqeynta iskaashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inta uu joogo deegaannada Galmudug inuu latashiyo kala duwan la sameynayo madxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loogu kaabo dowlad dhisidda iyo adkeynta isku xirka hay’adaha federaalka iy dowlad gobolleedka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey, waxuna sheegay in Xukuumaddiisu ahmiyadda koowaad siinayo sidii bulshada loogu dhaweyn lahaa dowladnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -