Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad dagaal Nuucii ugu dambeeyay Dunida oo Duqeymo geesatay (Daawo Sawirro)

Diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-35 laguna farsameeyo dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeesay la arkay iyada oo hawada sare ku jirta duqeymana geesaneysa.

Diyaaradan waxaa adeegsanayay ciidamada cirka ee Isra’il, waxaana sawiro laga qaaday diyaaradan iyada oo duuleysa hawada dalka Lubnaan . waxaana diyaaradan sawirkeeda soo bandhigay taliye sare oo katirsan ciidamada Cirka Isra’il.

Taliyaha ayaa sheegay in diyaaradan duqeymo ka geesatay labo goobood uusan cadeyn, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in diyaaradan ka qeyb qaadatay duqeymo ka dhacay gudaha Siiriya.

Diyaaradan dagaal ee  F-35-ka ayaa ah diyaaradaha dagaalka ee ugu qaalisan dunida oo dhan, waxa ay sidoo kale diyaaradan tahay mida ugu casrisan qarnigan ay sameysay dowlada Mareykanka.

Israel ayaa ah dowladii ugu horeyay ee ka baxsan Mareykanka ee haysta diyaaradan  dagaal oo leh hal kursi  , waxa ayna Isra’il haatan heshay sagaal ka mid ah 50 diyaaradood oo ah noca F-35 kuwaasi oo ay horay u dalbatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Deni & Safiirka Germany ee Somalia oo xariga ka jaray..

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Maxkamadda sare oo daahfurtay hanaanka cusub ee gal-dacwadeedka Electarooniga

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---