Xulkii labaad oo galabta ka haray Ciyaaraha dowlad goboleedyada ee ka socda Muqdisho

Xulalka Kubadda Cagta ee Juballand iyo Galmudug ayaa galabta fooda isku daray ciyaar adag oo ka tirsaneyd tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada oo ka socda garoonka Konis Stadium ee magaalada Muqdisho.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiise badan oo dadweyne fara badan u soo daawasho tageen, waxayna ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda Jubbaland.

Galmudug oo kulankan uu u ahaa kii labaad ee laga badiyo ayaa ka hartay tarta iyagoo aan wax dhibco ah laheyn, waxayna ku biirtay xulka Hirshabelle oo noqday xulkii ugu horeeyey ee ka hara tartankan.

Semi finalka ciyaarahan ayaa waxaa isku soo haray afar kooxood oo kala ah Banaadir iyo Puntland oo isku beegan iyo Koonfur galbeed oo la ciyaari doonta xulka maanta guuleystay ee Jubbaland.

Labada kooxood ee ka soo baxa afarta kooxood ee soo haray ayaa ku loolami doona finalka ciyaarahan oo kooxdii guuleysata la dheelman doonto koobka Horyaalka ciyaaraha dowlad goboleedyada ee sanadkan.

Waxa aad u yar rajada laga qabo in xulka Puntland ee difaacanaya horyaalnimada ciyaarahan uu mar kale ku guuleysto koobkan, sababo la xiriira awooda kooxdan oo sanadkan u muuqata mid gaabis ah taasoo ay ugu wacan tahay kooxda oo sanadkan ka soo tagtay inta badan ciyaartoydii sanadkii hore u safatay markii ay koobka  qaadayeen.

Inkastoo aan la ogeyn cida ku guuleysan doonta tartankan ayaa haddana saadaasha bahda isboortiga ay bixinayaan waxay u badan tahay in xulka Banaadir ay koobkan ku guuleysan doonaan, maadaama ay yihiin xulka adag xulalka illaa hadda ka qeyb galaya tartankan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -