(Daawo Sawirro) Maxkamad Xabsi ku xukuntay Mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Soomaalida

Fanaanka Soomaaliyeed ee Maxamed Axmed Qoomaal ayaa maxkamad ku taal dalka Ingiriiska waxay ku xukuntay xabsi 15 bilood ah ka dib markii lagu helay dambiga ah inuu si qaldan u qaadanayay lacagta ceyrta ah ee la siiyo dadka aan shaqada heynin iyo kuwa howlgalbka ah.

Maxkamada ayaa ku eedeysay Qoomaal oo 72 sano jir ah inuu qaadanayay sanad walba lacag gaareysa £39,000 isagoo jooga Soomaaliya oo uu aaday si uu uga nabad galo qabowga ka jira wadanka Britain.

Inuu baasaboorkiisa Britishka ah ku sameeyay shaabad been abuur ah si aan loo garan inuu ka maqnaa wadanka Ingiriiska ayaa ka mid ah dembiyada lagu helay fanaanka Qoomaal oo qirtay dhamaan waxyaabaha lagu soo eedeeyey.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa sheegtay in Qoomaal oo dalka ingiriiska ku noolaa 15 sano uu ku soo dhoofay tikit furan uusan dib ugu soo laaban dalkaas, waxayna sheegeen in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen inuu siiyay furaha guriga uu ku noolaa dad kale kuwaasoo degenaa intii uu ka maqnaa wadanka UK.

Lacagaha ceyrta ah ee ay dadkooda siiyaan dalal ka tirsan kuwa Yurub ayaa loogu talo galay in qofku ku noolaado inta uu shaqo ka helayo, waxaa kaloo la siiyaa inta noloshooda ka dhiman dadka da’da ah si ay ugu noolaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -