RW Rooble oo Garoowe ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo madaxda Puntland

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hogaaminayo oo xalay ku hoyday magaalada Garoowe ayaa manta halkaas kulamo ku leh Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash iyo qaar ka mid ah xubnaha goleyaasha Puntland.

Waxaa kulamada looga hadlayaa qodobo ay ka mid yhiin xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo dardargalinta howlaha la xiriira nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay iyo xalinta muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka heer federal.

Rooble ayaa sidoo kale la filayaa inuu magaalada Garoowe kula kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degaanada Puntland

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane  Rooble iyo wafdi uu hoggaamiaayo ayaa socdaalkaan oo kale horey ugu tagay magaalada Beydhabo oo xarun u ah maamulka Koofur Galbeed, waxaana safarkiisa xiga u uku tegi doonaa magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -