Allbanaadir.com
NEWS

Dhul gariir xoog badan oo saaka ku dhuftay Jasiiradda Lombok (Daawo Sawirro)

Dhul gariir xooggan ayaa ku dhuftay degaan dalxiiska caan ku ah oo ku yaalla dalka Indonesia, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof, iyadoo khasaaraha dhimashada laga yaabo inuu sii kordho.

Dhul gariirkan oo lagu khiyaasay 6.4 cabirka dhul gariirada ayaa ka dhacay bartamaha jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia subaxnimadii saaka.

Guriyo badan ayaa ku burburay dhul gariirka halka tiro dad ah ay ku dhawaacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Afhayeen u hadlay laanta ka hortagga masiibooyinka dalkaasi wuxuu sheegay in 40 qof ay ku dhaawacmeen dhul gariirka halka guriyo dhowr ah ay burbureen.

Wuxuu intaasi ku daray in hadda ay wadaan howlaha gurmadka iyo samatabixinta dadka uu saameeyay dhul gariirka.

Qof goob jooge ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dhul gariirka uu xoggaana islamarkaasna ay argagexeen ayna ka carareen guryahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo Daahfuray qaadista Imtixaanaadka Dugsiga Dhaxe (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Xasan oo Maamuusay Isimada Sool & Sanaag, kana hadlay baaqii QM

Cabdi Cade

Ciidanka ATMIS iyo kuwa DF oo howlgal wadajir ahj ka bilaabay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---