RW Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey Garoowe (Sawirro)

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu horkacayo ayaa galabta qorax xiligii qorax dhaca gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe kusoo dhoweeyay wafdiga RW Rooble.

Soo dhoweynta waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka iyo kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Socdaalkan ayaa bilow u ah safaro uu ku tagayo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, kaasoo ujeedkiisa yahay xal u helida caqabadaha ku horgudban hirgelinta heshiiskii doorashada iyo muranka ka taagan guddiyada doorashada ee Xukuumadda soo magacawday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -