Allbanaadir.com
NEWS

Alison Blackburne oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay Masuul sare

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas ee Boqortooyada Britain, Alison Blackburne, oo ay weheliyeen Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha amniga gobolka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee halista ku haya gobolka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu xasilinayo gobolka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay qaababka cusub ee lagu xoojin karo xiriirka Soomaaliya iyo Britain.

Ergeyga Gaarka ah iyo Danjiraha ayaa dhankooda ku adkeeyay sida ay dowladooda uga go’an tahay in ay taageeraan Soomaaliya, iyagoo ammaanay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada amniga iyo xasilinta.

Related posts

Dowlad goboleed cusub oo laga abuuray dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo qaaday Talaabooyin looga hortagayo Dhaqan Xumada ka jirta Liido !

Cabdi Cade

Beesha caalamka oo fariin u dirtay Xildhibaanada labada aqal, saacado ka hor doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---