Allbanaadir.com
NEWS

Magacyo loo bixiyay labo libaax oo muran ka dhashay iyo Maxkamad ammar kasoo saartay

Baraha bulshada dalka Kenya ayaa si weyn looga dareemay hadal heyn badan oo ka dhalatay magacyo diimeed loo bixiyay labo libaax oo lagu hayay beerta xayawaanka lagu xanaaneeyo ee ku taal galbeedka Bengal ee dallka Hindia

Mid kamid ah libaaxyada ayaa loogu magac daray ‘Ilaaha’ Hinduuga Sita, halka libaaxa kalena loogu magac daray Akbar, kaa loogu magac-daray boqor Mughal-kii qarnigii 16-aad,. Kaas oo ay neceb yihiin waddaniyiinta Hindiaa ee mayalka adag.

Dad badan oo aragtiyo ka dhiibtay magacyada loo bixiyay labadan libaax ayaana siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, waxaana aragtiyada dadkan ay ahaayeen qaarkood kuwa naceyb abuurayay iyo kala fogaansho.

Maxkamad kutaalla dalka Hindia oo la geeyay kiiska libaaxdayan magacyadooda muranka dhaliyeen ayaa ku amartay beerta lagu xanaaneeyo libaaxyadan in ay si deg deg ah magacyada ka bedelo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay in ka badan 500- oo qof oo Maxaabiis ah

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Wafdi sare oo ka socday Bangiga Adduunka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo & Senator Jack Reed oo ku kulmay Garoonka Aadan cadde? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---