Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Aabe si arxan daran u dilay Xaaskiisa & Wiil uu dhalay oo xukun lagu riday

Aabe 35 sano jir ah ayaa lagu xukumay 19 sano oo xarig ah kadib markii uu xaaskiisa 40 jeer ku dhuftay faas iyo mindiyo illaa ay ka geeriyootay xili Carruurtiisa ay goobjoog ka ahaayeen dilka ayna isku dayeen inay joojiyaan aabaha.

Maxkamada racfaanka ee Borgarting ee dalka Norwey ayaa ninkan ku heshay dambiga dilka ee xaaskiisa, kaasoo ka dhacay guriga reerkooda dabaqaayadii sanadkii 2018 . Wuxuu sidoo kale dhaawacay wiilkiisa oo 6 sano jir ah.

Ninkan ayaa sidoo kale dil u gaystay wiilkiisa oo 19 jir ahaa bishii Febraayo sanadkii 2017. Sida xukunka lagu sheegay.

Maxkamadda Rafcaanku waxay kaloo tilmaamtay in baaxadda ballaaran ee dhaawaca iyo sharraxaadda carruurta ee qaylada hooyadood, ay sawir cad ka bixinayso xanuunka iyo cabsida weyn ee ay tahay inay dareemeen

Xukunka ayaa lagu sheegay in caruurtu ay goob joog ahaayeen wakhti kasta, sidoo kalena ay isku dayeen inay ka hor istaagaan aabaha dilka gaystay balse aysan u suuragelin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Aqalka sare oo ka hadlay Heshiiska Farmaajo la sheegay in uu la galayo Eritrea iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Kontaynaro ay ku jiraan bur xumaaday oo lagu qabtay dekeda Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad safaf ugu jiray doorashooyin oo isqaadsiiyey cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---