Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo galay fasax & Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

Xildhibaanada Baarlamanka Somalia ayaa maanta galay fasax labo bilood ah ka dib markii sdhaqooyin kala duwan soo qabteen afartii bilood ee ugu horeysay kalfadhiga labaad.

Kulanka maanta ayaa Waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana kulan soo xaadiray mudanayaal tiradoodu ay gaareyso 173 xildhibaan.

Ajendayaasha xubnaha golaha shacabka ee maanta ayaa kala ahaa, Soo bandhigidda Warbixinta Guddiga Dastuurka ee BFS iyo Warbixinta Guud ee Howlqabadka Kalfadhiga 2-aad ee Golaaha Shacabka

Waxaa Mudanayasha loo qeybiyay Ajendayaasha kulankii maanta, iyadoo kulanka warbixin ay ka jeediyeen Guddiga Dastuurka oo ka hadlay halka uu marayo arrimaha dastuurka.

intaas ka dib ayaa waxaa mudanayaasha Golaha Shacabka loo qeybiyay warbixinnadii iyo waxyaabihii u qabsoomay inta lagu guda jiray kalfadhiga 2-aad ee golaha Shacabka, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaan  galay fasax 2 bil ah iyagoo dib u soo laaban doona bisha Maarso sanadka cusub.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hadal jeedin ka hor sameeyay Xildhibanada hortooda asagoo uga mahad celiayay Shaqadii ay soo qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -