Allbanaadir.com
NEWS

Dad shacab ah oo lagu dilay Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Xiisad cusub oo taagan

Wararka ka imaanaya deegaanka Yaaq-bariweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in duleedka deegaankaasi lagu dilay shan qof oo shacab ah, waxaana dilkaasi geesatay kooxo hubeesan.

Sida aan wararka ku helnay maleeshiyaad hubeesan oo u abaabulnaa qaab beeleed ayaa weeraray Tuulada Yaaqroobley oo u dhow degaanka Yaaq-bariweyne, waxa ayna halkaasi ku dileen shan qof oo tuuladaasi kunoolaa.

Weerarkan dadka shacabka ah lagu dilay ayaa wararku sheegayaan in uu salka ku hayo aano qabiil iyo dagaalo horey deegaanaadaasi ugu dhax maray labo maleeshiyo beeleed oo wada dega.

Deegaanka Yaaq-bariweyne iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw ayaa laga soo sheegayaa in ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo ka dhalatay dilka dadkan shacabka loo geestay, waxaana jira cabsi laga qabo in ay dhacaan dilal kale oo aanooyin ku saleesan.

Deegaanadan dilka ka dhaceen oo hoostaga degmada Wanlaweyn ayaa horey waxaa uga dhacay dagaalo dhiig badan ku daateen oo u dhaxeeyay maleeshiyo beeleedyo, waxaana dagaalkaasi markii dambe awood ku joojiyay ciidanka kumaandooska Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rasaas caawa isqabsatay Muqdisho, markii uu dhamaaday muddo xileedkii Farmaajo

Caydiid Ali

Kulan Wadatashi ah oo u dhaxeeyay DFS iyo Dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay Dabkii caawa ka kacay Suuqa Hargeysa, baaqna u diray Soomaalida

Cabdi Cade
Taboola Ads ---