Rasaas caawa isqabsatay Muqdisho, markii uu dhamaaday muddo xileedkii Farmaajo

Rasaas ayaa ka bilaabatay qeybo ka mid Muqdisho, markii ay saacada ku dhacday 12-00 ka saq dhexe ee habeenimo

Rasaasta ayaa muuqato mid lagu soo beegay dhammaadka muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweyne Farmaajo oo caawa ku beegan.

Lama oga weli cida rasaasta rideysa, hase ahaatee xiriir aan la sameynay xaafado badan ayay ku ogaatay allbanaadir Online iney tahay mid hawada loo ridayo.

Sheekada ku saabsan dhamaanshaha muddo xileedka Farmaajo ayaa si weyn u qabsatay caawa baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay tirinayeen saacadaha iyo daqiiqadaha ka dhiman 12-ka saqda dhexe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn loogu dabaal degay markii la doortay 8 February 2017, xilligaasoo magaalada is qabsadeen rasaas dabaal degyo ah iskuna soo baxeen shacab farxad ku soo dhoweynayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -