Wararkii ugu dambeeyey xaalada Belad-weyne & khasaare ka dhashay dagaalkii saaka

Waxaa degan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kaddib bannaanbaxyo rabshado watay iyo dagaal saaka ka dhacay magaalada qeybo ka mid ah.

Ciidamo Beeleed uu hoggaaminayo Jen. Xuud iyo Kuwa booliska ayuu saaka dagaal waxaa uu ku dhexmaray xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne kaasoo muddo kooban socday, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey dhaawaca labo qof oo la dhigay goobaha Caafimaadka

Dagaalka ka dib waxaa magaalada ka bilowday banaanbaxyo rabshado watay iyadoo dadweyne careysan ay dhagxaan ku gooyeen waddooyinka, sidoo kalena ay gubayeen taayero.

Rabshadaha iyo dagaalada ka dhacay Beladweyne ayaa ah kuwo looga soo horjeedo safar lagu waday in maanta oo Jimco ah ku tago magaalada Beledweyne Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo markii dambe la baajiyey

Waxaa magaalada ku sugan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Xildhibaano u gogol-xaarayey safarka Cali Guudlaawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -