Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Al-Shabaab 50 nin looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Bacaadweyn?

Dowlada Somalia ayaa War ka soo saartay dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug kaasoo dhexmaray xoogaga Al-shabaab oo halkaas weeraray iyo ciidamada DF iyo dadka degaanka oo si wadajir ah isaga difaacay.

Wararka ka soo baxay dagaalkaas ayaa sheegay inkastoo Al-shabaab markii hore ay qabsadeen degaanka iyo xeradii milateriga haddana markii dambe khasaare xoogan loogu geystay weerar rogaal celis ah oo ay soo qaadeen dadka degaanka iyo ciidankii milateriga ee degaanka ka baxay.

“Guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku soo qaadeen Bacaadweyne waxa ay tusaale cad u tahay in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan si fudud lagu joojin karo weerarrada iyo dhagarta cadawgu usoo maleego Ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe.

Hoos ka akhriso qoraal ka soo baxay Wasaarada warfaafinta DF oo dagaalkan ku saabsan kaasoo lagu sheegay in Al-shabaab looga dilay 51 dagaalyahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar iyo Sudan oo ku baaqay in Heshiis laga gaaro Khilaafka Biyo Xireenka Wabiga Niil

Cabdi Cade

Lacago loo qeybiyay Ganacsato badan oo ku hanti beelay Suuqii Gubtay ee Waaheen (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda iyo Galmudug oo la yimid qorshe dadkii ka qaxay Xarardheere dib loogu soo celinayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---