Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyihii ugu weynaa burcada Daroogada ka ganacsata oo lagu qabtay Istanbul

Ciidamada booliiska dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah hoggaamiyaasha ugu sareeya burcada ka ganacsata daroogada, waxaana ninkan in muddo ah baadigoob ugu jiray booliiska caalamiga ah ee Interpol.

War kasoo baxay booliiska dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in la qabtay Dritan Rexhepi oo ah 44 sano jir u dhashay dalka Albania, ninkan ayaana la sheegay in uu kamid ahaa  hogaamiyayaasha ugu waaweyn caalamka ee ka ganacsada daroogada iyo hubka.

Dritan Rexhepi ayaa la qabtay xilli uu kasoo degay garoon kuyaalla magaalada Istanbuul, waxaana la sheegay ninkan in uu ku safrayay uu sameestay baasaboor dalka Colombia ah si aan loo aqoonsan.

Ninkan oo loo heesto falal dambiyeedyo ay kamid yihiin dilal, dhac , kufsi iyo ka ganacsiga daroogada waxaa muddo raadinayay dalal Talyaaniga ku jiro, waxaana xogta lagu qabtay ninkan booliiska Turkiga la wadaagay kuwa Talyaaniga.

Hogaamiyahan katirsanaa burcada ka ganacsatada daroogada ayaa la sheegay in uu madax u ahaa kooxda loo yaqaan Kompanio Bello oo awood badan kuleh dalalka Yurub iyo Koonfurta Ameerika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo kulan Muhiim ah la qaatay Danjire Andreas von UexküII (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Naafada Qaranka oo ka hor yimid sharci uu ansixiey Baarlamanka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne ku xukuman xabsi 30 sano ka badan oo Isbitaalka loola cararay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---