Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kusoo kordhay qaabkii loo dilay Seynisyahankii ugu sarreeyay Iran

Dowlada Iran ayaa si weyn uga careesan dil qorsheesan oo jimcihii duleedka magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran loogu geestay Seynisyahankii ugu sarreeyay dalkaasi Mohsen Fakhrizadeh.

Madaxa amniga Iran Cali Shamkahni, ayaa ku eedeeyay dilka Mohsen Fakhrizadeh in ay ka dambeeyeen Isra’il iyo koox mucaarad ah , waxa uuna cadeeyay in Iran jawaab ka bixin doonto dilkaasi.

Cali Shamkahni, ayaa sheegay in kooxdii fulisay dilka loo geestay Seynisyahanka ay adeegsadeen hub iyo qalab casri ah oo sahlay in la dilo Mohsen Fakhrizadeh xili uu gaarigiisa ku safrayay.

Seynisyahanka la dilay ee Mohsen Fakhrizadeh, ayaa ahaa ninka ugu caansan ee barnaamijka Niyukleerka Iiran, wuxuu kamid ahaa shakhsiyaadka ugu sarreeya ee ilaalada kacaanka Iran.

Maamulka Isra’il oo si weyn loogu tuhmayo dilka Senisyahankan ayaan wali ka hadlin eedeemaha Iran u jeedisay, waxa ayna Hogaamiyaasha Iran ku hanjabeen in ay qaadi doonaan tilaabo ugu aar gudayaan dilka Seynisyahanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Muqdisho oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali

Qoor Qoor oo shaaciyay Doorka uu ka qaadanayo Doorashada la isku hayo

Cabdi Cade

Dagaal culus oo ka dhacay Magaalada Marko iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---