Dagaal culus oo ka dhacay Magaalada Marko iyo Wararkii ugu dambeeyey

Ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab ayaa xalay ku dagaalamay magaalada Marko ee Xarunta gobolka Sha/hoose sida ay sheegayaan wararka magaaladaas naga soo gaaraya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al Shabaab ay magaalada ka soo weerareen dhowr jiho, iyadoo dagaalka ugu culus uu ka dhacay xaafada Ruusiya loo yaqaano oo ciidamada dowladu ay ku saldhig milateri ku leeyihiin.

Rasaas kala duwan iyo qaraxyo waaweyn ayaa xalay si weyn looga maqlayey magaalada Marko iyo hareeraheeda.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sidda ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ku sugan Magaalada Marka inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow Ā hadana ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan Marko ayaa sheegay in xoogagii weerarka soo qaaday dib loo caabiyey Ā haddana Magaalada ay ka socdaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Amniga, dhinaca al-shabaab kama aysan hadlin dagaalkan.

Wararkii ugu damnbeeyey ayaa sheegaya in xaalada magaalada Marko ay saaka tahay mid degan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowlada sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -