Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo shahaadoyin gudoonsiiyey Senataro ka tirsan Aqalka sare (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoonka Aqalka Sare kala qeyb-galay munaasabad lagu abaal marinayey guddiyada, sanatarrada iyo guddoomiyeyaasha guddi-hoosaadyada muujiyey howlkarnimada dheeraadka ah, inta lagu guda jiray kalfadhigii 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad.

Abaalmarinta koowadaad: qiimaynta Fadhiyada Golaha, ayaa waxaa la gudoonsiiyey saddex Sanatar oo kala ah Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Senator Samsam Ibrahim Cali iyo Senator Saynab Maxamed Ismaaciil, kuwaas oo noqday Sanatarradii ugu imaanshaha iyo wakhti ilaalinta wanaagsanaa fadhiyada guud ee golaha Aqalka Sare ee kalfadhiga 3-aad.

Abaalmarinta labaad: qiimaynta Guddiyada Golaha ee ugu shaqada badnaa Kalfadhiga 3-aad, waxaana la guddoonsiiyey, Guddiga Khayraadka Qaranka, Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha, iyo Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Abaalmarinta saddexaad: qiimaynta Guddoomiyayaasha ugu wanaagsan dhanka imaanshaha xaafiiska Guddiyadda, waxaana la guddoonsiiyey, Senator Deeqa Xasan Xuseen Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, iyo Senator Maryan Faarax Kaahiye  Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda.

Related posts

Qarax goor dhow ka dhacay Nairobi iyo Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiye Yariisow oo xalay saqdii dhexe kormeeray fariisimaha ciidamada ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo lagu Soo Dhaweeyay Khartuum

Cabdi Cade
Taboola Ads ---