Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni iyo Axmed Madoobe oo Markooda la kulmay wakiilada beesha caalamka

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada  Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Somalia iyagoo ka wada hadlay shirkii dowladdu shaacisay inuu fashilmay iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Labada hogaamiye ayaa beesha caalamka uga waramay sida ay wax u dhaceen iyo  in aanay ogeyn shir fashilmay, iyagoo meesha ka saaray eedeymaha DF ee sheegaya shuruudaha cusub ee dowladdu sheegtay inay shirka ku xireen.

Waxay sheegeen iney wali taagan yihiin aragtidoodi hore ee ahaa in shirku sii socdo illaa  xal laga gaaro arrimaha doorashada,  iyagoo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inaanu doorasho rabin balse uu doonayo inuu dalka geliyo qalalaase siyaasadeed.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa saacadaha soo socda la kumaya madaxda sare ee DF, si ay uruuriyaan fikiradaha dhinacyada kala duwan ee ay la wadaagi doona dalalkooda, waxayna xalay la kulmeen saddexda dowlad goboleed ee taageersan Farmaajo kuwaasoo kala ah Galmudug, Hirshabelle iyo K/galbeed oo fashika shirka dusha ka saaray Jubbaland iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo xaalado taagan kala hadlay Tiina Intelmann (Sawirro)

Cabdi Cade

Isimada Puntland oo go’aano culus ka soo saaray khilaafka ka taagan doorashada

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: “Khalqal amni, Qalaalase siyaasadeed iyo Quus shacab ayuu dalku galay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---