Wararkii ugu dambeeyey qoys todoba qof ka kooban oo lagu laayey degmada Waajid

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay xalay gurigooda oo ku yaalla degmada Waajid ee gobolka Bakool ku laayeen qoyska sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada.

Qoyska oo ka koobnaa Hooyo, caruurteeda, aabahood iyo xubno kale ayaa hurdayey markii uu weerarku dhacayay oo ku beegneyd saqdii dhexe ee xalay.

Ugu yaraan 7 ruux oo ay ku jireen hooyadii qoyska, caruurteeda, Aabahood oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda Somalia  iyo xubno kale  ayaa ku geeriyooday weerarka oo loo adeegsaday rasaas xoogan, waxaana ku dhaawacmay xubno kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in markii hore Askariga ka tirsan Ciidanka oo ahaa aabaha qoyska oo qori heystay uu iska caabin ku sameeyay raggii weerarkii soo qaaday, waxaana markii ay rasaastu ka dhamaatay guriga ugu galay dableydii weerarka soo qaaday oo rasaas aan loo aabe yeelin ooda kaga qaaday dhamaan dadkii ku jiray gurigaas.

Maamulka degmada Waajid masuuliyiin ka tirsan ayaa ku eedeeyey weerarkan iney ka dambeysay kooxda Al-shabaab oo ay sheegeen iney laayeen caruur iyo haween, iyagoo xusay iney howlgalo, laguna raad joogo raggii weerarkaas fuliyey.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkan oo argagax badan iyo cabsi ku dhaliyey dadweynaha ku nool degmada Waajid ee gobolka Bakool oo si weyn u hadal haya dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -