Max’ed C/risaaq Max’uud oo loo dhaariyey xilkii uu u Magacaabay RW Rooble (Sawirro)

Wasiirka cusub ee Arimaha Dibadda xukuumada Somalia Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa maanta loo dhaariyay xilkaas ka dib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo Ku-xigeenkiisa 1aad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuday ayaa Goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiirka Cusub.

Max’ed C/risaaq Max’uud ayaa xilkan loo magacaabay maalmo ka hor ka dib markii RW Somalia uu xilkii ka qaaday Axmed Ciise Cawad oo ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradaas oo xilka hayey sadexdii sano iyo barkii la soo dhaafay.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa la rumeysan yahay inuu eersdaday qoraal uu soo dhigay bogga Twitterka ee Wasaarada arrimaha dibeda Somalia kaasoo uu ku taageeray howlgalka Dowlada Itoobiya ka wado gobolka Tigray.

Qeybta hore ee qoraalka ayaa wanaagsaneyd, balse Dowlada Itoobiya ayaa ka carootay qeyb kale oo ka mid aheyd qoraalka taasoo loogu baaqayey dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya iney khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan, waxaana Wasiir Cawad uu iska diiday xil safiirnimo oo loo magacaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -