Qaybta 1 aad :-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

Soomaaliya waxay dhexda uga jirtaa khilaaf siyaasadeed oo khatar ah, keenina kara in ay kala daataan guulihii ballaarnaa ee laga gaaray nabadaynta iyo qarandhisidda tan iyo sannadkii 2012-kii, markii uu dhammaaday xilligii ku-meelgaarnimada. Baaqii 8-dii September 2018 ay madaxda shanta maamul goboleed ku sheegeen in ay hakiyeen wada-shaqeyntii dowladda federaalka, waa arrin sababo badan dartood welwel u leh, waayo, cod iyo goā€™aan noocan ah oo dhiillo wata, oo ay goboleedyada dalka oo idil ku midaysan yihiin, waa arrin ugub ah. Jawaab celinta dowladda (ama jawaab laā€™aanta dowladda) ee xiisadda sidaan u baaxadda weyn, ayaa iyaduna ah arrin walaaceeda leh. Si ka badan siyaabihii hore ayay lagama maarmaan u tahay in labada dhinac ay u guda galaan wada xaajood, waayo, wadahadal ayaa ah wadiiqada ugu dhow ee heshiis looga gaari karo xasillooni darrada siyaasadeed ee hadda taagan.

Waa hubaal in xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta aysan la curan baaqii dhawaan madaxda maamul-goboleedyadu ay kasoo saareen Kismaayo. Muddo dheer ayuu is-afgaran-waagu hoos ka hulaaqayey, sidii dhimbil dab ah oo danbas daboolay. Tan iyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalsooni xumada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu marba marka ka danbeeya waa ay soo if-baxaysey. In kasta oo ay jiri karaan sababa kale, waxa ugu weyn oo isafgran-waagu uu salka ku hayey waa laba faham ama fekar oo isa saamaynayey.

Tan hore, madaxda dowladda federaalku waxa ay aamineen in dowlad goboleedyadu ay fidsadeen fasirkooda awoodaha uu siinayey dastuurka ku meel gaarka ah intii ay jirtey dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh. Dareenkaas dowladda federaalka waxa uu oranayey, dowlad goboleedyadu, waxay noqdeen kuwo xarga goostay oo gacanta kula jira dhammaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan kuwa dastuurku sida gaarka ah uu ugu asteeyey dowladda federaalka. Midda labaad, goboleedyadu waxa ay ku qanceen in maamulka Madaxweyne Farmaajo ay ka goā€™an tahay in awoodda oo idil uu Muqdisho isugu geysto. Waxaa kale oo ay goboleedyadu aamineen in qayb ka mid aragtidaas awood aruursiga ee dowladda federaalka ay tahay in xukunka laga tuuro madaxda gobolada, laguna beddelo shakhsiyaad daacad u ah Villa Soomaaliya, maadaama ay doorashooyin kusoo fool-leeyihiin dhammaan dowladgoboleedyada.

Mohamed Abdi Adan -Xoosh

Labada qolo midna kuma khaldana tuhunkeeda. Mid walibana dastuurka ku-meel-gaarka ah oo meeshii loo jiidaba u jiidmaya, ayay ka-qiil daydeen si ay u fidsadaan awoodahooda. Goboleedyadu waxa ay joogteysteen u fasiridda dastuurka sida ay dantoodu ku jirto, iyaga oo gaarsiistey in ay ka hawl-galaan xiriirka dibadda, gaashaandhigga iyo lacagaha, taas oo si cad uga hor-imaanaysa dastuurka ku-meel-gaarka ah. Sida ay iyaguba qirteen, waxay u safreen dalal kale iyaga oo ā€œqaraabā€ raadinaya iyo taageero amni iyo mid siyaasadeed.

Marka laga reebo Muqdisho iyo dhulka ay Al Shabaab haystaan, xuduudaha dalka intiisa kale, goboleedyada ayaa ka taliya ama sheegta in ay ka taliyaan; waxaa kale oo ay goboleedyadu gacanta ku hayaan dekedaha iyo gegooyinka diyaaradaha oo ay ahayd in ay dowladda federaalku ka arrimiso. In kasta oo goboleedyadu ay ku doodaan in ay dowladda federaalka ka tirsan yihiin, kuna talo yihiin, haddana, marka dhinac walba laga eego, goboleedyadu waxa ay arrimahooda gooni ula yihiin ama ugu madax-banaan yihiin, sida Somaliland oo kale, taas oo gooni isku taag ay keli ku tahay ku dhawaaqday 1991. Arrimahaas marka ay dowladda federaalka eegtana, waxay dowlad-goboleedyada u aragtaa kuwo gooni socod ah. Madaxda dowladda federaalkuna maba qarsadaan tuhunkooda ah: in dowlad-goboleedyadu ay yihiin kuwo xargagoosad ah, kuwaas oo hannaanka federaalka afka uun ka xusa, si ay ugu qiil daydaan dhaqan siyaasadeedkooda dastuurka baal-marsan. Dhanka kale, dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay si loo wada jeedo culayso u saartaa, una muquunisaa goboleedyada iyo madaxdooda. Siddeed iyo tobankii bilood ee lasoo dhaafay dowladda federaalka waxa ay goboleedyada tuseysey habdhaqan colaad iyo cadaadis wata, kuwaas oo khatar ku ahaa hannaanka federaalka ee uu asteeyey dastuurka ku-meel-gaarka ah. Goboleedyada waxaa iyagana welwel weyn ku haya in dowladda federaalka ahi ay noqoto midda kaliya ee ka amarku-taaglaysa siyaasadaha gudaha ee Soomaaliya iyo xiriirka caalamiga ah. Waana ay jiraan, wax badan oo muujinaya in dowladda federaalka ay doonayso inay dowlad goboleedyada ka dhigto kuwo hebed ah, una nugul hoggaaminta dowladda federaalka. Dowlad goboleedyadu waxay darsi cad ku qaateen Hirshabeelle. Waxaa si aad ah loo aaminsanaa in dowladda federaalka ay hoos kasoo abaabushey, aakhirkiina ay ku guulaysatey xil ka qaadistii madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale si weyn loogu eedeeyaa in ay saamayn weyn ku leedahay khilaafka sii xumaanaya ee siyaasiyiinta Galmudug. Khilaafkaas ayaa curyaamiyey isla markaana kala geeyey madaxda Galmudug ilaa 2017-kii, markii isku daygii ugu horreeyey ee lagu doonay in lagu baddelo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle ā€˜Xaafā€™ uu fashilmay. Arrintaasi waxa ay keentay in dhaawac aan kasoo kabasho lahayn uu gaaro maamul goboleedka Galmudug. Jubalandna, dowladda federaalka waxaa lagu eedeeyey inay siyaab badan cadaadis u saartay.

Waaana kamid ah inay mucaarad uga kicisay gobolka Gedo, in ay magacowday saraakiil amni, iyo madax kale iyaga oo aan kala tashan hoggaanka Jubaland, sidii uu dhigayey heshiiskii Hannaanka Aminga Qaranka ee lagu gaaray Shirkii London ee May 2017. Puntland, waxaa dowladda federaalka lagu eedeeyey in ay madaxweyne ku xigeenka xulufeysatay, si uu uga horyimaado madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali ā€˜Gaasā€™. Tallaabooyinkaas dowladda federaalka lagu eedeeyey, waxay dhaliyeen in madaxda dowlad goboleedyadu ay falcelis mintidnimo-dirir ah la yimaaddaan; waxayna is-tuseen, maaddaama ay dhammaantood doorasho galayaan sanadkaan dhammaankiisa iyo kan danbe, in dowladda federaalku ay mid mid ugu nugul yihiin. Si ay isaga caabbiyaan cadaawad ay ku qanceen in ay dowladdu u hayso, una af-beeliyaan middida siyaasadeed oo ay ku qanceen inay dowladda federaalku qoorta ka saartay, madaxda dowlad goboleedyadu waxay sameeyeen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (GIDG), taas oo ahayd tallaabo mug iyo macno siyaasadeed leh. Illaa intii la sameeyey golahan dabayaaqadii sanadkii tegey ee 2017-ka, goluhu ma ahayn oo kaliya gole is-dugsi iyo isku-hiillineed, balse wuxuu u xuub-siibtey madal siyaasadeed oo ay dowlad goboleedyadu muruqooda ku muujiyaan, kulana faltamaan dowladda federaalka. Baaqyadooduna waxay noqdeen kuwo midba midka ka sii danbeeya uu dowladda federaalka uga dhalleecayn kululaa, taas oo muujinaysey sida ay u qodan tahay cuqdadda ay u qabaan dowladda federaalka oo ay ku sunteen mid federaal diid ah. Kala irdhowga dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxay dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhaxal-siisay inay xal iyo hoggaamin ka sugaan, laba quwadood oo kala aamin baxay, una tafa-xaytey xarig-jiid siyaasadeed oo aan waxba la xeerinayn. Waana xaqiiq in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay iyagu noqonayaan kuwa dhabarka u ridanaya khasaaraha ka dhasha is-mariwaagaas siyaasadeed

La Soco Qaybta 2 aad INSHA ALLAH

Qore:- Mohamed Abdi Adan ā€“Xoosh

Mugadisho-Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -