Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaaf oo Shirka Musharaxiinta u socda ku tilmaamay mid aan xalaal aheyn

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa si kulul u dhaleeceeyey shirarka Muqdisho uga socdo musharraxiinta mucaaradka ee diidan guddiyada doorashooyinka.

Xaaf ayaa sheegay in shirkan uusan aheyn mid xalaal ah oo aysan ka soo bixi doonin natiijo dan u ah shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay iney ku kulmeen shaqsiyaad Kursi doon ah oo kaliya.

“Madaxda qaar ee shirka fadhiso horey ayaa loo soo tijaabiyey wax ay dalkan u qabteen malaha” ayuu yiri Xaaf oo si gaar ah farta ugu fiiqay Xasan Cali Khayre RW hore ee Somalia.

“Shirka ka socda Muqdisho xalaalba maahane muxuu shir ka noqonayaa, Hadiiba ay ka qeyb galayaan shaqsiyaad uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo inta Ciidamo ii dalbaday xilkeygii iga soo ceyrsadey” ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Mar uu ka hadlayey diidmada ay musharaxiintu ka muujinayeen guddiyada doorashooyinka ayuu sheegay Xaaf in kaliya ay wadaan mar-marsiiyo iyo inay carqaladeeyaan doorashada soo socota.

“Waala wada ogaa sidii ay ahaayeen guddiyadii uu sanadkii 2016 magacaabay Xasan Sheekh oo ay ku jireen shaqaale ka tirsanaa xafiiskiisa” ayuu yiri Xaaf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ka digay talaabo ay qaaday dowlada Somalia

Caydiid Ali

Qaab nuucee ah ayuu u dhacay Xukunkii musuq-maasuqa ahaa ee lagu fuliyay Agaasimayaal!!

admin

Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku riday haween xad-gudub diimeed iyo dhaqan-xumo ku kacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---