Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo ka tirsan DF oo lagu laayey qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa lagu qarxiyey barqanimadii maanta duleedka Muqdisho.

Gaari ay wateen ciidamadan ayaa la soo sheegayaa in miino wadada lagu aasay ay kula kacday degaanka Ceelasha biyaha  oo ka tirsan degaanada ku teedsan jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Khasaare culus ayaa la soo sheegayaa inuu soo gaaray ciidamadii la socday gaarigaas oo ku soo jeeday xiliga ka qarxinayey dhinaca magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada Haramcad, halka qaar kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa amniga dowlada Somalia ayaa gaaray goobtaas, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano xoogan oo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey qaraxaas oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay dhismooyin ay yeelanayaan Saddex Hay’adood (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyay in Soomaaliya xiligan leedahay Labo Cadaw

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig ciidan iyo Dagaal culus oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---