Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiinta Madaxweyne ee ku shirsan magaalada Muqdisho oo doortay Shir Gudoon

Qaar kamid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya u taagan ee ku shiraya Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa goordhaw doortay shir Gudoon hogaaminaya shirarka ay leeyihiin.

Sida aan wararka ku helnay Musharaxiinta ayaa Gudoomiye u doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, halka Xogheyn loo doortay Xuseen Cabdi Xalane, waxaana Afhayeen isna loo doortay Ridwan Xirsi oo ahaan jiray Ra’iisul Wasaare Kuxigeen.

Shirka Hotelka Jaziira ku leeyihiin qaar badan oo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalinbo maalinta ka dambeesa galaya waji cusub, waxaana shirka kusoo biiray qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Madax kala duwan.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gabo gabada shirkooda soo saari doona War Murtiyeed lagu cadeenayo mowqifkooda ku aadan doorashada Soomaaliya iyo guddiyada doorashada magacaaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Gudoomiye ku-xigeenada Golaha shacabka BFS oo dib loo dhigay

Caydiid Ali

Amar kasoo baxay Al Shabaab oo lagu xiray Garoon caan ka ahaa Muqdisho 

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Dhuusomareeb kadib iska hor imaadkii ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---