Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Dhuusomareeb kadib iska hor imaadkii ka dhacay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xaalada magaaladaasi saakay tahay mid aad u degan kadib iska hor imaad kooban oo xalay ka dhacay halkaasi.

Sida aan wararka ku helnay iska hor imaad ayaa xalay magalaada Dhuusomareeb ku dhax maray ciidamo daacad u ah Hogaamiyaha Ahlu Sunna iyo ciidamo katirsan dowlada oo gacanta ku haya amaanka magaalada.

Wali lama oga waxa sababay iska hor imaadkan xalay ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna iska hor imaadkan yimid iyadoona magaaladaasi Ra’isul Wasaare Kheyre uu gaaray shalay galinkii dambe.

Saraakiisha laamaha amaanka ee magaalada Dhuusomareeb ayaa xalay shir deg deg ah ka yeeshay iska hor imaadka magaalada ka dhacay, waxa ayna u saareen guddi baaritaano ku sameeya iska hor imaadka iyo waxa sababay.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa saakay si weyn loo adkeeyay amaankeeda, waxaana magaalada ku sugan kulamo lagu dar dar galinayo dhismaha Galmudug loo dhan yahayna kawada Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -