Allbanaadir.com
NEWS

Joe Biden oo Magacaabay Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka iyo Xilal kale

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa magacaabay Xogahayaha arimaha dibadda uu yeelanayo maamulkiisa cusub iyo xilal kale uu ku jiro taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka.

Joe Biden oo la filayo in sanadka cusub xilka kala wareego Madaxweyne Trump ayaa xoghayihiisa arimaha dibadda usii xushay Antony Blinken oo ah rug cadaa ku xeel dheer siyaasada arimaha dibadda .

Siyaasigan loo magacaabay Xogahayaha arimaha dibadda Mareykanka ayaa ahaa nin aad ugu dhawaan Madaxweyne Joe Biden, waxaana ninkan uu kamid ahaa lataliyaasha dhinaca siyaasada ee Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sidoo kale u magacaabay Jake Sullivan, in uu noqdo taliyaha ammaanka qaranka, halka Linda Thomas-Greenfield loo xushey inay noqoto danjiraha Mareykanka ee Q.M.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fiqi oo isbarbar-dhig ku sameeyey farqiga u dhexeeya Qoorqoor iyo Deni

Caydiid Ali

Deni oo deg deg ugu laabtay Garowe, soona saaray amar ka dhan ah shirka Mucaraadka

Caydiid Ali

Farmaajo oo Kulan dhiiro galin ah la qaatay Dhaqaatiir shaqo adag qabatay(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---