Deni oo deg deg ugu laabtay Garowe, soona saaray amar ka dhan ah shirka Mucaraadka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ka dib muddo labo bilood ah oo uu safar ugu maqnaa dibeda.

Deni ayaa booqday mudadaas dalalka Imaaraatka, Kenya iyo Itoobiya oo uu hadda ka soo kicitimay, faahfaahina lagama bixin safarkiisa iyo waxyaabaha uu kala soo laabtay.

Sida wararku sheegayaan Deni ayaa amray in caasimadda Garoowe la keeno cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidanka PMPF ee uu tababaro Imaaraadka

Xubno ku dhow Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Siciid Deni uu ciidankaas u dalbaday, si uu cadaadis u saaro siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maanta shirku uga furmay Garoowe, kuwaasoo diidan qorshihiisa muddo kororsiga uu damacsan yahay

Wararku waxay sheegayaan in shirka ujeedkiisu yahay sidii Puntland ay uga dhici lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, si meesha laga saaro muddo kororsi horseedi kara qalalaase siyaasadeed iyo dagaal.

- Advertisement -