Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Kuxigeenkiisa oo ku biiray Shirka Musharaxiinta (Sawirro)

Waxaa goordhaw shirka Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho uga socda qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ku biiray Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo kuxigeenkiisa koobaad Cabdiweli Muudey.

Shirka u socda Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hada galay heer xasaasi ah, waxaana shirka kusoo biiray qaar kamid ah madaxda ugu sareysa Dowlada federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo kuxigeenkiisa koobaad Cabdiweli Muudey oo horey aad isugu dhawaayeen Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa shirka ku biiray, waxaa sidoo kale saakay shirkan ku biiray Gudoomiyaha Aqalka sare.

Shirka ka socda Hotelka Jaziira ayaana culees hor leh kusii abuuraya Madaxweyne Farmaajo kadib markii ay shirka ku biireen Madaxda ugu sareysa dalka qaarkood oo horey Farmaajo aad isugu dhawaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsatada Muqdisho oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku laaleen Canshuurtii Iibka

Cabdi Cade

Booliska Muqdisho oo sheegay iney dileen xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali

Haweeney Ninkeeda ka dalbatay in uu usoo celiyo Kelli ay ugu deeqday iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---