Haweeney Ninkeeda ka dalbatay in uu usoo celiyo Kelli ay ugu deeqday iyo Sababta keentay

Haweeney u dhalatay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Maviş Erdoğan ayaa ninkeeda ka dalbatay in uu usoo celiyo keli ay ugu deeqday xili xaalad caafimaad daro lasoo daristay halisna ku jirtay noloshiisa.

Axmet Erdoğan ayaa xaalad caafimaad daro lasoo daritay sanadkii 2009-kii, waxaana ninkaasi markii isbitaal la dhigay dhaqaatiirta sheegeen in loo baahan yahay qof kelli u bixisa si noloshiisa loo bad baadiyo.

Xaaska ninkan Maviş Erdoğan ayaa go’aansatay in ninkeeda noloshiisa bad baadiso waxa ayna ugu deeqday mid kamid ah kelyaheeda, waxaana bukaanka markii kellida loogu deeqay uu kasoo kabsaday xanuunkii uu la jiifay.

Maviş Erdoğan , ayaa ka carootay guur qarsoodi ah uu galay ninkeeda , waxa ayna Wareysi ay siisay telefishin laga leeyahay dalka Turkiga ninkeeda kaga dalbatay in uu dib ugu soo celiyo killideeda maadaama uu qiyaanay naag kalana guursaday.

“Waxaan siiyay kellideyda, sababtuna waxay ahayd in aan noolal wadaagno, hasa ahaatee Axmet wuu na qiyaamay wuuna naga tagay aniga iyo wiilkayga, qoyskiisa ma jirin cid kelli in ay ugu deeqdo rabtay markii uu xanuunsanaa”ayay tiri Maviş Erdoğan .

Axmet Erdoğan oo isna Wareysi bixiyay ayaa sheegay in xaaskiisa aysan kellida iska siin balse ay uga badaletay guri uu lahaa, waxa uuna sheegay in aysan aheyn in killideeda xiligaasi siiso hadiiba ay sidaan u dhaqmeyso.

Lamaanahan oo wareysi bixiyay ayaa midbo midka kale eeda dusha ka saaray, waxa ayna haweeneydan kellideeda dalbatay sheegtay in aysan marnaba fileyn in uu ninkeeda khiyaanayo maadaama dhib badan dartiis usoo martay.

Haweeneydan oo ilmeyneysay iyadoo si toos ah looga wareysanayo telefishenka Ahaber ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in ay ka dhaadhici weyday waxa uu ku sameeyay seygeeda ay noloshiisa bad baadisay.

“Waxaan la daalaa dhacayaa sidii aan hal kelli ugu noolaan lahaa iyo korinta cunigiis, waxaan siiyay noolasheyda, haddana waxaan rabaa in uu kellideyda isoo celiyo”, ayay raacisay hadalkeeda.

Sharciga dalka Turkiga ayaa dhigaya in haddii qofka uu ku deeqo xubin kamid ah jirkiisa kadib marka la dhameeyo qallinka uusan marka dib u sheegan karin, maadaama qalliinka kahor la kala saxiixdo heshiiska bixinta.

Haweeneydan hada dalbatay in kellideeda loo soo celiyo ayey ku adkaan doontaa in dalabkeeda la fuliyo maadaama aysan arintaasi sharci ka aheyn Turkiga, waxaana sheekadan hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada.

 

- Advertisement -