Ciyaaraha Premier League iyo tartamo kale oo la Hakiyay iyo Sababaha keenay

Horyaalka ugu xiisaha badan dunida kubadda cagta ee Premier League oo toddobaadkan lagu balansanaa usbuuciisii 30-aad ayaa gabi ahaanba si rasmi ah dib loogu dhigay ciyaarihiisii in mudo ah.

Horyaalka Premier League ayaan ahayn tartanka kaliya ee mudada laga hakiyay dalka England balse waxa sidoo kale wadankaas dib loo dhigay tartamadii kale ee FA Cup, WSL iyo EFL.

Madaxda sarre ee Premier League ayaa shaaca ka qaaday in kulamadii horyaalka laga bilaabo kuwii toddobaadkani dib loo dhigay ilaa afarta bisha afraad ee April.

Sidoo kale xidhiidhka kubadda cagta England ee FA-ga (Football Association) ayaa shaaca ka qaaday in kulankii uu xulka qaranka England la lahaa Talyaaniga 27-ka March iyo midkii uu 31-ka March la lahaa Denmark labadaasba la joojiyay.

Go’aankan ayaa ah mid soo baxaya saacado kaddib markii shaqsiyaad badan oo qayb ka ah horyaalka Premier League laga helay caabuqa Coronavirus waxaana kami ah tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta, Hudson-Odoi oo Chelsea ka tirsan iyo goolhayaha Bournemouth ee Boruc.

In dib loo dhigay horyaalka ayaa waxkasta oo kale dib u dhigaysa sida wakhtigii ay Liverpool ku guuleysan lahayd tartanka oo ay kaliya hal guul oo ay gaadho iyo guuldarro ay la kulanti Manchester City ka xigtay.

- Advertisement -