Milatariga Itoobiya oo Taangiyo iyo hub culus u adeegsanaya qabsashada magaalada …

Ciidamada milatariga Federaalka Itoobiya ayaa kusii dhawaanaya magaalada Mekelle ee caasimada maamulka Tigrey, waxa ayna ciidamada la wareegeen magaalooyin kale oo horey u maamulayeen ciidamada u dagaalamaya Tigrey.

War kasoo baxay milatariga Itoobiya ayaa lagu sheegay in dagaalka hada marayo meel xasaasi ah, waxa ayna milatariga sheegeen in qabsashada magaalada Mekelle ciidamada u adeegsan doonaan taangiyo iyo madaafiic culus.

“Qeybaha xiga ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee hawlgalka, oo ah in la hareereeyo Mekelle iyada oo la adeegsanayo taangiyada, si loo dhammeeyo dagaalka aagga buuraleyda ah looguna sii gudbo aagagga difaaca,” ayuu Colonel Dejene oo ah Afhayeenka militariga.

Milatariga Itoobiya ayaana uga digay shacabka kunool Makelle oo lagu qiyaasay Haaf Malyuun in ay ka fogaadaan goobaha bartilmamaeedka ah, waxa ayna ku habjaneen milatatirag Itoobiya in si deg deg ah u jabin doonaan xoogaga Tigrey ee kasoo horjeeda.

“Illaa iyo iminka, waxa aan kaliya weerareynay bartilmaameedyada jabhadda saldhigyada u ah, laakiin marka laga hadlayo Mekelle way ka duwanaan kartaa taas,” ayuu yiri afhayeenka milatariga Itoobiya.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogaga Tigrey ayaa waxaa adag in laga helo xogo rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo marka laga reebo sheegashooyinka labada dhinac, waxaana wali gobolka Tigrey ka go’an telfoonka iyo Internetka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -