Allbanaadir.com
NEWS

Saacad Duug ah uu lahaa Mahatma Gandhi oo lacag qaali ah lagu iibsaday !! (Sawirro)

Shirkadda East Bristol Auctions, ayaa xaraashtay saacad duug ah uu lahaa hogaamiyihii xuriyada dalka Hindiya Mahatma Gandhi, waxaana saacadan oo aheyd mid aan hada shaqeeneyn lagu iibsaday lacag qaali ah.

Saacadan oo lagu sameeyay dalka Switzerland ayaa Hogaamiye Mahatma Gandhi waxa uu hadiyad ahaan u siiyay sanadkii 1944-tiiĀ  wiil uu awoowe u ahaa si uu uga mahad celiyo taageerada uu u fidiyay.

Shirkada Xaraashka ayaa markii hore fileysay in saacadan lagu iibsan doono lacag gaareysa  £10,000, hasa ahaatee  nin kasoo jeeda dalka Mareykanka ee aruursada waxyaabaha taariikhiga ah ayaa ku iibsaday £12,000.

Bishii Agoosto ee sanadkan ayaa muraayadii indhaha ee Hogaamiye Mahatma Gandhi lagu iibiyey lacag gaareysa £260,000, lacagtan ayaana aheyd mid wax badan ka badan lacagtii horey loo filayay in loogu iibsan doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo Sargaal oo katirsanaa Al Shabaab oo laga saaray Golaha Fulinta ee kooxdaasi

Cabdi Cade

Shirkado qeyb weyn ka qaatay Bilicda iyo Nadaafada magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Bankiga cusub ee Bushra Bussines Bank oo maanta laga daahfuray Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---