Wararkii ugu dambeeyay shirka Muqdisho uga socda Musharaxiinta Madaxweynaha (Sawirro)

Wali waxaa socda shirka musharaxiinta uga socda Muqdisho oo galay maalinkii labaad, bilwodayna galinkii hore ee manta ilaa fiidkan caawa ah waxaa socda kulamo ay la leeyihiin qeybaha bulshada si ay u dhageystaan talooyinka shacabka ee ku aadan xaalada dalka iyo doorashooyinka.

Ururada bulshada rayidka ah, Ganacsada Soomaaliyeed, Culumada iyo qeybaha kala duwan ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed ayay si gaar gaar ah ula kulmayaan musharaxiinta dhamaantood si iyaga iyo shacabka ay meel qura uga soo wada jeestaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo guddiyada ay u dhisteen doorashada dalka Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Warar horudhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in musharaxiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay la kulmeen in ay isku raaceen dalka in laga qabto doorasho xalaal ah oo aan dhinac u rarneyn.

Waxeey isla qaateen in dalka aan loo horseedin qas siyaasadeed iyo fowda ka dhalata hanaanka ay xilligan Dowladda talada heysa u qorsheyneyso in ay wax walba u dhacaan sida ay iyaga rabaan.

Dowladda Farmaajo ayaa rabta in doorashada qaranka ay u dhacdo sidii ay u soo maamuleen doorashooyinkii Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo gacmaha iyo lugahaba ay la galeen waana mida deegaanada maamuladaasi u horseeday in ay ka hirgaliso maamul aysan raali ka aheyn dadka balse si qasab ah looogu dul haayo.

Shirkaan Muqdisho ka socda ayaa la qorsheynayaa beri galinka dambe in uu caasimadda ku soo gaba gaboobo iyadoo la dhowrayo qodobada ay soo saari doonaan musharaxiinta iyo qeybaha bulshada ee hada kulamadooda ay socdaan.

Waxaana ay ku qasbanaan doonaan maamulka Villa Soomaaliya iyo Taliyaha NISA in ay u hogaansamaan natiijada ay sida wadajirka ah u soo saaraan Bulshada Soomaaliyeed iyo musharaxiinta si dalka iyo dadka looga badbaadiyo dariiqa halista ah ee Madaxweyne Farmaajo uu ku hogaaminayo.

 

- Advertisement -