(Sawirro) Xafiiska RW Rooble oo War ka soo saaray heshiiskii caawa lagu gaaray Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay Midowga Musharaxiinta ayaa tilmaamay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo miro dhal ah oo ka tarjumaya biseylka siyaasadeed iyo u tanaasulka danta guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.S Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan, isagoona uga mahadceliyey Madaxweyneyaashi Hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubnaha kale ee Musharaxiinta uu kulanka la qaatay dadaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa heshiiskan oo muujinaya sida ay nooga go’an tahay ilaalinta xasilloonida iyo amniga dalka. Dowladdu waxa ay garowsan tahay ilaalinta sarreynta sharciga iyo xuquuqda muwaadin kasta uu u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa, waxaan rajaynayaa in aan dhammaanteen ka wada shaqeyno qabsoomidda doorashada.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hor-dhigay masuuliyiinta uu la kulmay duruufaha amni iyo caafimaad ee ka jira dalka ayaa u soo jeediyey in dib loo dhigo bannaan baxa maalinta jimcaha, lagana wada shaqeeyo marxalad iyo waqti kale oo ku habboon, suurtagalna ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyey dadaalka dowladdu ay ku bixinayso badqabka caafimaad iyo amni ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la dhowrayo xuquuqda dastuuriga ah ee qeexaysa in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay soo bandhigidda aragtidiisa siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulankan ku weheliyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -