Halkee ku dambeeyey khilaafkii mudada dheer ka dhex aloosnaa Madaxda Galmudug?

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo ku sugan Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay halka ay marayaan Wadahadaladii lagu dhex-dhexaadinayey Madaxda is khilaafsan ee Galmudug.

Carabey ayaa sheegay in wahadaladaas ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana inta badan khilaafkii jiray la xaliyey inta harsana la dhameystiri doono.

“Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka madaxda Galmudug inta badana waa la dhameeyey, madaxweyne Xaaf iyo anagana waan isku soo dhawaanay” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Waxaan uu intaa ku daray in todobaadkan gudihiisa la dhameystiri doonto xalinta waxyaabaha dhiman ka dibna la shaacin doono qodobada lagu heshiiyey, isagoo u mahad celiyey Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay inuu gacan weyn ka geystay xalinta khilaafka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo qodobada lagu heshiiyey iyo kuwa harsan, balse waxaa uu sheegay in xalku uu aad u dhow yahay, waxyaabo yar yar oo harsana laga gudbi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -