Qalbi-dhagax: “Wey fiicnaan laheyd in Kheyre cadeeyo doorkii uu ku lahaa dhiibistayda”

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka tirsanaa Jabhada xoreynta Somali galbeed ONLF ayaa ka hadlay mar kale cidii masuulka ka ahayd xarigiisii iyo talaabadii loogu gacan geliyey Itoobiya.

Qalbidhagax ayaa sheegay in dalka uu madaxweyne ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo, isaguna uu qaadayo masuuliyada dhibaatadii loo geystay.

“Marka aan si fiican u qiimeyno dambiyada dalka ka dhacay waxaa jira qof loo doortay inuu Madaxweyne ka noqdo dalka, isaga ayey aheyd inuu xafido xuquuqda qofka mawaadinta ah intii uu awoodo, dembi kasta oo dhacay marka waxaa mas’uuliyadiisa koowaad iska leh Madaxweynihii umadaan ay dooratay Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Qalbidhagax.

Musharaxminada Kheyre oo xilligii loo gacan gelinayey Itoobiya ahaa RW ayuu sheegay inuu bogaadinayo, uuna aaminsan yahay nin Soomaali wax tari kara.

“Wey fiicnaan laheyd in Kheyre cadeeyo doorkii uu ku lahaa dhiibistayda iyo qaabkii ururkii aan ka tirsanaa ee ONLF loogu daray liiska argagixisada” ayuu yiri Qalbi dhagax.

Waxaa uu intaas ku daray in Kheyre ay la gudboontahay inuu yiraahdo “Qaladkii dhacay intaas ayaan ku lahaa ee hala iga raali noqdo” maadaama buu yiri Qalbidhagax bini’aadamku qalad ka dhici karo.

“Aad ayaan ugu farxay markii aan arkay Xasan Cali Kheyre oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka raali geliyey doorkii uu ku lahaa wixii loo geystay” ayuu yiri qalbi dhagax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -