Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Shaqaalaha Shirkad ka howlgasha magaalada Beladweyne oo xabsi lagu guray (Sababta)

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Korontada Dayax Power Supply ee Baled-weyne.

Ciidamo ka socdo Maamulka ayaa albaabada u laabay  xaruntii Shirkadda, iyagoo ka dibna horay u siio kaxeystay shaqaaalahii ku sugna xafiiska oo xabsiga loo taxaabay

Talaabadan ayaa timid kadib markii xarumaha maamulka gobolka laga jaray korontadii laga isticmalayay markii ay bixin waayeen lacago fara badan oo ku aruurtay.

“Tan iyo sanadkii 2015 Maamul kasto oo lasoo magacaabo gobolka Hiiraan waxuu rabay inuusan bixinin lacagta korontada oo ay si bilash ah ku isticmaalan taasoo aysan Shirkaddu raali ka aheyn “ayuu yiri madaxa Iibka iyo suuq-geynta Shirkadda Dayax Power Supply Xasan C/raxmaan Maxamed.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaan ka hadlin xariga ayu kula kaceen  shaqaalaha iyo howlwadeenada  Shirkadda Dayax Power Supply.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: Shan qodob ah oo ay kala saxiixdeen beelihii ku dagaalamay Mudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia: US Redeployment Should Stress Civilian Protection

Cabdi Cade

Somtel iyo Djibouti Telecom oo ku shuraakoobay Fibre Optic Xawaare sare leh oo Xiriirinaya dalalka Geeska Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---