Akhriso: Shan qodob ah oo ay kala saxiixdeen beelihii ku dagaalamay Mudug (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoga Dalka Somaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21 aad ayaa Goobjooge ka ahaa Heshiis lagu dhameynayo colaadii ka taagnayd Degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq oo dhaca Bariga gobolka Mudug.

Odayaasha labada dhinac ayaa Ku heshiiyay qodobada hoos Ku xusan .

1. in la dhiso ciidamo isku dhaf ah
2. Gudi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood,
3. in Si Nabad ah ay uwadda daaqaan Xoolaha Dadka ree Guuraaga ah
4. in qofkii qof kale dila lagu Xukumo Dil Toogasho ah
5. In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Somaliya ay la wareegi doonto,

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xoog Dalka Somalia ee ku sugan Degaanadaas ayaa kor meeray Dhamaan Meelihii laga kala qaaday Ciidanka Beelaha Dagaalamay.

Heshiiskan ayaa Ku yimid juhdiga Ciidamada qalabka sida iyo xalka odayaasha deegaanka oo udub dhexaad u ah in nabadan la gaaro.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guul ay ku soo dhamaatay gogoshii nabadeed ee la dhex dhigay maleeshiyaadkii colaada dhexmartay, isagoona labada dhinac u mahadceliyay.

Ugu yaraan konton qof ayaa ku dhintay btiro kalena wey ku dhaawacmeen, dagaalkii dhowaan dhexmaray labadan beelood oo ka soo kala jeeda degaanada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaalku ka bilowday muran la xiriira dhul daaqsimeed la isku qabsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -