Shirka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Waxaa goordhaw Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ka furmay shir wadatashi ah ay leeyihiin Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya , shirkan ayaana lagu wadaa in uu socdo mudo sadex maalin ah.

Shirkan ka furmay Hotelka Jaziira waxaa ka qeyb galaya 12-Musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana musharaxiintan ku jira Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Ra’isul Wasaare hore iyo siyaasiyiin kale oo saameyn leh.

Warbaahinta ayaana banaanka looga saaray shirka goordhaw furmay, waxaana musharaxiinta doodo adag ka yeelan doonaan sidii ay go’aan mideesan uga qaadan lahaayeen doorashada dhaceysa iyo guddiyada doorashada ee saluugsan yihiin.

Musharaxiintan shirkooda ayaa la filayaa inta uu socdo in ay isku raacaan in ay sameestaan isbaheysi sidoo kale sameestaan Afhayeen guud oo ku hadla afka Musharaxiinta isbadal doonka ah.

Gabo gabada shirka ayaana filayaa in musharaxiinta kasoo kasoo saaraan go’aano ay ku mideesan yihiin oo ay ka qaadan doonaan doorashada dalka ka dhaceysa iyo guddiyada magacaaban ee kasoo horjeedaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -