Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo laga dhigayo Mid Caalami ah oo Habeenkii shaqeeya (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso oo horumarin lagu sameynayno si loogu diyaariyo garoonka mid heer caalami ah oo habeenkii shaqeeya.
 
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo Injineerada shirkadaha gacanta ku haya dhismeyaasha iyo horumarinta ku socota Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.
 
Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso waxaa ka socda kordhin lagu sameynayo Dhabaha ay Diyaaraduhu ku ordaan oo lagu daray 800m iyo 300m oo amniga Diyaaradaha loogu talagalay.
 
Sidoo kale waxaa ka socda Garoonka dhismaha Hangar-ka Diyaaradaha la dhigo, Siliga AirPort-ka, Wadada AirPortka oo Laami laga dhigayo iyo Qorshaha AirPort ka loogu diyaarinayo in uu habeenkii shaqeeyo oo duulimaad habeen ah billaabo.
 
Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada socota, wuxuuna sheegay in Dowladdu ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta xarumaha Bulshada loogu adeegayo sidaasi darteed loo baahanyahay in dhakhso loo dardargeliyo howsha inta hartay, si ay dadkeenu wakhti dhow u helaan Garoon Casri ah oo Habeen iyo Maalin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -