Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliban oo shuruudo ku xirtay Waxbarashada haweenka dalka Afghanistan

Taliban ayaa sheegay in haweenka dalkaasi ay sii wadan karaan inay wax ka bartaan Jaamacadaha, laakiin ay waajib tahay in fasalladu noqdaan kuwa kala saara ragga iyo dumarka, isla markaana ay haweenku xirtaan lebiska Islaamiga ah, sida uu yiri.

Wasiirka Waxbarashada sare ee dowladda Taliban Abdul Baqi Haqqani oo ah Wasiirka waxbarashada Maamulka Taliban ayaa ku soo bandhigay siyaasaddan cusub shir jaraa’id oo uu qabtay, maalmo ka dib markii maamuleyaasha cusub ee Afghanistan ay dhiseen xukuumad dhammaan xubneheedu ay rag yihiin.

Dunida ayaa si dhow isha ugu haysa si loo ogaado ilaa xad inta dhaqanka Taliban ka bedelan yahay keedii hore ee ee soo billowday dhammaadkii 1990-meeyadii.

Xilligaasi, ayaa gabdhaha iyo haweenka ay u diiday waxbarashada, waxaana laga saaray nolosha dadweynaha.

Taliban ayaa sheegtay in ay hadda is bedeshay, oo ay ku jirto sida ay ula tacaamuli doonaan haweenka. Laakinse, waxa ay gacan bir ah u adeegsadeen haween maalmihii la soo dhaafay u bannaan baxayay in ay helaan xuquuq siman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Booliska Yuhuuda oo raadinaya Falastiiniyiin dad ku dilay duleedka Tel Aviv

Caydiid Ali

Maxkamad amartay in Burcad-baddeed Soomaali ah lagu sii hayo Xabsiga kaddib markii…

Cabdi Cade

Hooyo Dil iyo dhaawac u geesatay Rag kufsi u geesanayay Gabar ay dhashay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---