Allbanaadir.com
NEWS

Safiirkii dowlada Shiinaha u fadhiyay Israa’il oo la helay isaga oo Meyd ah

Safiirkii dowlada Shiinaha u fadhiyay maamulka Israa’iil ayaa maanta oo axad ah waxaa gurigiisa oo kuyaalay magaalada Tel Aviv laga dhax helay isaga oo meyd ah sida ay baahisay Wakaalada wararka ee reuters.

Afhayeen u hadlay booliiska maamulka Israa’iil ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sariirtiisa laga helay isaga oo meyd ah ambassador Du Wei oo ahaa 57-sano jir oo Shiinaha u fadhiyay magaalada Tel Aviv.

Wali lama oga sababta keentay geerida safiirka Shiinaha u joogay Israa’iil, mana jiro ilaa hada war rasmi ah ay kasoo saareen Dowladaha Shiinaha iyo Israa’iil safiirkan goordhaw geeridiisa la xaqiijiyay.

Ambassador Du Wei ayaa safiir ka noqday Israa’iil bisha Febraayo ee sanadkan, waxa uuna diblumaasigan horey Shiinaha safiir uga soo noqday dalal ay ku jirto Ukraine, waxa uuna ahaa diblumaasi wax badan usoo shaqeeyay dowlada shiinaha.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden: “Dantii aan ka laheyn dalka Afghanistan waan ka gaarnay”

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo dilay Sargaal katirsan Al Shabaab kuwa kalana qabtay

Cabdi Cade

Sheekada Saabir iyo Xasan Sow uma eka “Aabbow Kan yar iga Dhici Kan weynaa iska Dhicinayaa”

admin
Taboola Ads ---