Xasan Cali Kheyre oo Caawa Raali galiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Sawirro)

Ra’isul Wasaarihii hore ee Xukuumada Soomaaliya Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa howgiisa ku booqday Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir sidoo kale ah Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Kheyre ayaa kulanka ay yeesheen Cabdiraxmaan Cabdishakuur uga wada hadlay arimo badan oo xasaasi ah, waxa uuna Kheyre ka raali galiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerarkii lagu qaaday gurigiisa laguna dilay qaar kamid ah ilaaladiisa.

”Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay.Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa.” ayuu yiri Kheyre.

Raali galinta Xasan Cali Kheyre ka bixiyay weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya xili soo baxayeen warar sheegaya in Musharax Kheyre laga dalbaday in raali galin ka bixiyo dhacdooyin dhacay xiligii uu Ra’isul Wasaaraha ahaa.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa caawa kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynayaal hore iyo Musharaxiin kale oo u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -