Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cabdikariin Guuleed oo Caawa Kulmay (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug ayaa Hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Sahan, kana mid ah musharrixiinta madaxtinimada Soomaaliya.

Is xog-warraysi kaddib waxay kulankooda diiradda ku saareen Xaaladda guud ee Dalka iyo Deegaanka iyagoona si gaar ah u qaadaa dhigay ajendaha doorashada.

C/kariin Guuleed ayaa madaxweyne Kaariye ku ammaanay ka miro dhalinta arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Dowlad dhiska iyo doorkii waxtarka lahaa oo ay Galmudug ka qaatay heshiiskii doorashada lagu go’aamiyey ee la gaaray beshii Agoosto.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa kulamo siyaasadeed kawada magaalada Muqdisho, waxa uuna siyaabo kala duwan ula kulmay Musharaxiin Madaxweyne iyo Siyaasiyiin kala duwan 

- Advertisement -