Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne Kheyre oo ka hadlay nuuca Doorasho ee loo baahan yahay in la qabto

Musharax Madaxweyne 2021, Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa cadeeyay inay muhiim tahay in laga shaqeeyo hannaan dalka ay uga dhici karto doorasho la isla oggolyahaya si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.
Khayre oo dadweyne fara badan ay kusoo dhaweeyeen magaalada, ayaa shir saxaafadeed uu qabtay waxuu ku sheegay in iyada oo laga tusaale qaadanayo taariikhdii hore ee dalkeennu soo maray iyo rabshadaha ka socda dalalka deriska ah ee salka ku hayo arrimo doorasho, inay muhiim tahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan hir-gelinta heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu heshiiyay.
Musharrax Madaxweyne, Xasan Cali Khayre waxuu u mahad celiyay dadka Soomaaliyeed ee isu xalqaamay soo dhaweyntiisa, waxuuna sheegay in soo dhawyntoodu ay ku dhiirri gelineyso sii wadidda dadaallada uu ugu jiro inuu u sii adeego shacabka Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DFS oo lagu wargaliyay ciidamada Itoobiya ee dalka soo galay iyo ujeedkooda

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga oo Muqdisho ku sugan (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Shirka Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---