Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay Go’aan kasoo baxay Wasaarada Maaliyadda

Guddiga isutagga shirkadaha diyaaradaha oo soo dhaweeyay Go,aan ka soo baxay Wasaaradda Maalyadda Xukuumada Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska midawga Diyaaradaha dalka ayaa lagu sheegay in ay tageersanyahiin hanaanka loo maray aruruurinta lacagaha adeegyada iyo cashuuraha ay qaado shirkadda Favori.

Daladan oo ay ku mideeysanyahiin inta badan diyaaradaha ka howlgala dalka ayaa sheegay in ay waafaqsanyahiin sharcigan iyo dhamaanba qodobada heshiiska Shirkadda Favori iyo Xukuumadda Somaliyeed.

War Saxaafadeedkan ka soo baxay Isutagga Diyaaradaha ayaa lagu xusay in waxii ka dambeyay hirgelinta heshiiskan ay soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya, hirgalintiisana loo xilsaaray Shirkadda Favori la dareemay kor ukac ku yimid lacagaha ka soo xerooda garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

( iyada oo ay muuqdaan xaalado adag oo uu sababay cudurka COVID19, haddana hawlo baaxad weyn ayaa laga dareemayaa guud ahaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Mudisho, ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Gudddomiyaha Isutagga Shirkadaha Diyuuradaha Somaliyeed Maxamed Diini.

- Advertisement -